Golaha Ammaanka oo warbixin kasoo saaray xaaladda Soomaaliya

Golaha Ammaanka oo warbixin kasoo saaray xaaladda Soomaaliya

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa warbixin kasoo saaray xaaladda Soomaaliya kadib markii dhowaan ay warbixin ka dhageysteen Ergeyga gaarka ah James Swan,wakiilka gaarka ah ee Midowga Africa Fransisco Madeira, Guddoomiyaha guddiga doorashada Xaliimo Ismaaciil iyo Cismaan Macalin oo ku hadlayay bulshada rayidka ah.

Dhagaysiga kadib ayuu Goluhu soo saaray warbixin uu ugu baaqay Dowlada federalka iyo dowlad goboleedyada goboleedyada inay dib u bilaabaan wadahadallada si xal looga gaaro arrimaha taagan islamarkaana loo dhameystiro heshiis siyaasadeed loo dhan yahay.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa si gaar ah u adkeeyay in xal laga gaaro xaalada Jubbaland, waxayna ugu baaqeen dhammaan dhinacyada inay wada-hadal ka galaan arrintan.

Xubanha Golaha Ammaanka ayaa  sidoo kale ku baaqay in horumar laga  gaaro dib u heshiisiinta iyo abaabulka doorashada Galmudug.

Golaha ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay muhiimada ay leedahay in Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, oo nabdoon, loo wada dhan yahay, la isku halleyn karo, mugdi ku jirin, islamarkaana waafaqsan dastuurka qabyada ah sanadka 2020 ama bilowga 2021ka.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa sheegay in dhameystirka hab doorasho ay u baahan tahay isu-tanaasul, waxayna ugu baaqeen dhammaan dhinacyada Soomaaliya inay khilaafka meel iska dhigaan islamarkaana yeeshaan wada-hadallado wax ku ool ah.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • NuurkaNederland 5 years ago

    ADEER WAAD RIYOONAYSAAYE WAX GOLE AMAAN LADHAHAA MA JIRTO WAA MAQAAYAD U SHIDAN SHAN DAL.SIIBA U SHIDAN USA & UK.
    WAANA MEESHA SOMALIYA LAGA BURBUTRIYEY,HADEERNA HOR TAAGAN DAWLADNIMO SOMALIYEFD,WAANA MEESHA FANGARAYSA DHAMAAN KOOXAHA YARYAR EE LAGU MAGACAABO ARGAGAXISADA EE AY KU ADEEGTAAN CIA,MI6,MOSSAD.SIS.iwm..
    ERGI KUSHEEGA JEMAS SWAN WAXAAN U AQAAN NINKII KHAARAJIYEY YARIISOOW,
    OK,XALANENA WAA MEESHA LAGA SOO MALEEGO DILALKA QORSHAYSAN EE ALSHABAB,ISIS & MISSIONERY-gu FULIYAAN,XALANE MEESHII LAGU DHEX DILEY ELMAAS ELMAN KADIB MARKI ALSHABAB,ISIS GAARI WAAYEEN.
    GOLAHA AMAANKU HOOYADII HA WASO!!!.ANAA KU DHAHAY.BEEJAQABKA WADA BEEJAQABKU DHALAY AAN SAXARADA ISKA DHAQIN.WAA NOOCAAS NOOCA DUNIDA XAARAANTA KU GUUMEYSTA.,

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com