Puntland oo Soomaaliland ku eedeeysay dagaal ka dhacay Sanaag

Puntland oo Soomaaliland ku eedeeysay dagaal ka dhacay Sanaag

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland oo qoraal kooban soo dhigay Barta uu leeyahay Facebook-ga ayaa waxaa uu ku eedeeyey Soomaaliland inay Ciidamadeed ay qeyb ka yiiin dagaalkii ka dhacay deegaanka Waqadariya.

Dagaalka ka dhacay deegaanka Waqadariya ayaa waxaa ku geeriyooday Saddex ruux halka tiro kale ay ku dhaawacmeen,kuwaas oo dhamaantood ahaa maleeshiyaadkii dagaalamay.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa sheegay in Ciidamada Soomaaliland ay weerar kusoo qaadeen Waqadariya,isaga oo ugu baaqay Gobolka Sanaag inay garab istaagaan Ciidamada Dowlad goboleedka Puntland.

Sidoo kale Beesha Caalamka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu ugu baaqay in cawaaqib xumada ka dhalata duulaan iyo dagaal ay deegaanka Waqadariya Soomaaliland  ka wadao ay mas’uuliyadeeda qaadi doonto.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com