Aadan Barre Ducaale iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku wajahan Kismaayo

Aadan Barre Ducaale iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku wajahan Kismaayo

Wararka ay idaacada Daljir ay ka helayso magaalada Nayroobi ee caasimada Kenya ayaa sheegaya in magaalada Kismaayo ay ku soo wajahan yihiin wafdi uu hogaaminayo hogaamiyaha aqlabiyadda Kenya, Aadan Barre Ducaale.

“ Waxaan ku wajahanahay magaalada Kismaayo aniga iyo wafdi culus si aan uga qayb galno caleemo saarka Axmed Madoobe” ayuu yiri Ducaale oo bartiisa Facebook soo dhigay qooraal kooban.

Dowladda Kenya oo ciidamo ay ka joogaan deegaano ka tirsan Jubbaland ayaa hore u aqoonsatay doorashadii Axmed Maxamed Islaam halka dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay ku tilmaantay mid sharci darro ah.

Warkan ka soo yeeray Aadan Barre Ducaale ayaa ku soo beegmaya xilli shalay ay dowlada Soomaaliya ay ashtako rasmi ah u gudbisay safiirka Kenya uga wakiil ah Soomaaliya iyadoo dowlada Soomaaliya ay ka dalbatay dowlada Kenya inay jawaab ka bixiso amarkii ay jebisay diyaarad ka soo duushay magaalada Nairobi oo ka degtey garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo

Lama oga ilaa iyo haatan talaabada ay qaadi doonto dowladda Soomaaliya oo xiriirka kenya kala dhaxeeya uu mudooyinkii udambeeyay uu aad uxumaa.

Diiwaanka warka
Daljir Bosaaso.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com