Aqoonyahan Abukar Arman oo wareysi faahfaahsan siiyey Dalmar TV waxa uu wareysigan ku falaanqeynayaa siyaasadda adag ee ka taagan Soomaaliya, siyaasiyiinta is-hardinaya ee hagaya siyaasadda dalka, danaha shisheeye, khataraha maanta taagan iyo kuwo ku soo fooleh dalka.
Wareysigu waxa uu falaanqeynayaa ammuuraha ay kamid yihiin:
- Darbiga Beled Xaawo, danaha laga leeyahay, iyo xil-kaqaadistii Wasiirka Arrimaha Gudaha
- Siyaasiyiinta Soomaaliyeed iyo damacooda shakhsi fool-ka-fool danta qaranka
- Shirkadaha ajnabi ee ugaarsada kana daneysta dalalka danyarta ah, kuwo dhaqaale iyo kuwa siyaasadeedba
- Siyaasadda shirkadda Somali Oil & Gas iyo horjoogayaasha Soomaaliyeed ee saamileyda ka ah
- Qalalaasaha ka taagan dastuurka dalka
- Waxqabadka iyo waxqabad la’aanta xukuumadda Farmaajo
- Af-ka-hadalka “Dib-u-heshiisiin” ee Madaxweyne Farmaajo iyo kalamaankiisa af iyo uur
- Khatarta soo korortay ee shirkadda DP World iyo siyaasadda Imaaraadka iyo moogganaanta siyaasiyiinta Soomaaliya
- Labada dhinac ee shirkadda DP World, mid ganacsi ee la yaqaan iyo midka siyaasadeed ee dahsoon iyo ku milankeeda calooshooda-u-shaqeystayaasha adduunka
- Aamusnaanta Madaxweynaha iyo xukuumaddiisa ee siyaasadda DP World iyo tan Imaaraadka
- AMISON iyo Itoobiya iyo sida dahsoon ee AMISON u tahay Itoobiya, Itoobiyana AMISON!
- Xukuumadda iyo Qadar fool-ka-fool Imaaraadka
- Deeganka Xalane iyo siyaasadda iibka AMNIGA ee Soomaaliya
Hoos kaga bogo.
COMMENTS