Abwaan Cali Sugulle oo Maanta lagu Aasay magaalada Hargaysa

 
Khamiis, Janaayo 14, 2016 (Daljir) —Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa maanta ka qaybgallay aas qaran oo loo sameeyey Abwaankii weynaa Cali Sugulle (Dun-Carbeed) oo ka mid ahaa hal abuuradii Soomaaliyeed ee wakhtigi Gobonimo doonka kaalinta weyn ka qaatay.
 
Aaska qaran ee loo sameeyey Abwan Cali Sugulle waxa ka soo qaybgallay inta badan Ab-waanadda Soomaaliyeed, fanaaniinta, siyaasiyiin, dhalinyaro , waxa kale oo Maydka Ab-waanka la socday Fanaanka caanka ah ee Axmed Naaji Sacad iyo fanaaniin kale oo dalka Imaaraadka Carabta ka soo raacay.
 
Ugu horeyn Madaxweyne Siilaanyo ayaa tacsi u direy Abwaan Cali Sugulle oo uu sheegay inuu taariikh weyn ku leeyahay umadda Somaliland, isla markaana gobonimo doonkii uu kaalin libaax ka qaatay.
 
“Ilaahay ha u naxariisto Abwaan Cali Sugulle, Wuxuu ahaa Abwaan taariikh weyn ku leh wadanka, waxaa uu umadda u qabtay wax badan, waxaanu kaga tagay taariikh dheer”ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.
 
Sidoo kale, waxa iyaguna halkaasi ka hadlay wasiirka Arrimaha gudaha, Madaxtooyada, warfaafinta, maayarka Caasimadda, Abwaan Xasan Geney, Abwaan Axmed Saleebaan Bidde, Abwaan Axmed Naaji Sacad iyo fanaaniin kale.
 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com