Afhayeenka ONLF: “Hadalada ‘dambiilayaasha ha la qabto’ waa kuwo abuuraya dib-u-dhac & dagaal sokeeye oo horleh”

Afhayeenka ONLF: “Hadalada ‘dambiilayaasha ha la qabto’ waa kuwo abuuraya dib-u-dhac & dagaal sokeeye oo horleh”

Afhayeenka Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeeniya (JWXO | ONLF) Cabdiqaadir Hirmooge (Caddaani) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Jigjiga, xaafadda DULQABOW, ayaa kaga hadlay qodobo dhowr ah oo ay kamidyihiin in heshiiskii ay wada galeen jabhada ONLF iyo dowlada Federaalka Itoobiya aanay qaybo kamida heshiisku weli hirgalin.

Afhayeenka ayaa ku daray in ciidanka jabhada ONLF loola dhaqmay si aan waafaqsanayn heshiiskii lagu heshiiyey, isla markaana agoontii iyo qaxootigii shacabka Ogaadeeniya aan weli la siin wax haba yaraatee magdhow ah.

Afhayeenka ayaa sheegay in qaar kamid ah maamulada gobolada DDS ay si ulakac ah tacadiyo ugu geysteen xubno kamid ah jabhada ONLF, arrinkaasna yahay mid sharci darro ah. Caddaani ayaa xusay in shacabka Soomaalida Ogaadeeniya loogu hanjabo in taageerada ay hay’aduhu bixiyaan laga jari doono qofkii ONLF taageera, isagoo intaas raaciyay in shaqaalaha dowlada loogu hanjabo shaqo joojin haddii ay ONLF taageeraan.

Afhayeenka ururka ayaa si kulul u dhaleeceeyey sunta ay shirkadaha shidaalku ku shubeen qaybo kamid ah dhulka Ogaadeeniya gaar ahaan degmooyinka Dhoobawayn iyo Shillaabo ee Gobolka Qorraxay, uguna baaqay Dowlad Deegaanka in ay ilaaliyaan nolosha dadka iyo deegaankaba, asaga oo ku daray in maamulka kilalku ay shaqadoodii gabeen.

Ugu dambayn Afhayeenka JWXO oo dhaliilaya hadalo ka soo yeedhay masuuliyiinta Dowlad Deegaanka ayaa sheegay in cafis guud oo la fidiyey looga baaqsaday dagaal sokeeye, sidaad darteedna hadalada ay kamidyihiin “dambiilayaasha ha la qabto” ayuu afhayeenku sheegay in ay yihiin kuwo abuuraya dib-u-dhac iyo dagaal sokeeye oo horleh.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Jigjiga

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com