Kenya iyo Soomaaliya waa labo dal oo daris ah, laakiin 30kii sano ee la soo dhaafay u kala jihaystay laba jiho oo kala duwan. Kenya waxa ay u jihaysatay dhanka hormarka iyo nabadda, waxa ayna maanta safka hore kaga jirtaa dalalka Afrika dhanka hormarka, dimoqraadiyadda iyo xasiloonida. Sannadba sannadka ka danbeeya Kenya waxa ay tiigsaneysaa hormar ka ballaaran kii sannadkii hore.
Soomaaliya waa dal colaad sokeeye ka soo kabanaya, laakiin sharciga iyo kaladanbeyntu ay weli u tahay kalmado afka laga sheego oo aan dan kale laga yeelan, madaxweyne illaa gole shacab.
Filashada shacabka ee labada dal ee dariska ah ayaa iyana ah filasho kaladuwan. Shacabka Kenya waxay Madaxweynahooda ka fishaan caddaalad, ammaano, xasilooni iyo tiigsi hormar. Filshada shacabka Soomaalida ayaa ah mid aad u hooseysa, taas oo dhalisay in Madaxweynuhu uu dantiisa khaaska ah ka hormariyo danaha shacabka.
Labada madaxweyne ee labada dal ee dariska ah, waa Madaxweyne William Ruto iyo Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa asbuuc gudihiis waxa uu madaxweyne kasta si toos ah shacabkiisa ula qaybsaday filashadiisa iyo sida uu madaxweyne kastaa u maareynayo ammaanada loo dhiibay.
Madaxweyne William Ruto oo ka hadlaya fagaaraha Mo Ibrahim Foundation, asaga oo ka jawaabaya su’aal ammaanada loo dhiibay, waxa uu yiri: “Qoyskaygu kuma jiraan qaybna kama aha siyaasadda dalka. Ma lihi yeysan ka qaybqaadan siyaasadda … Laakiin madaxweyne ahaan waxaan gaaray go’aan miyir qaba, waxaana I deeqda in dadka Kenya ay igu sharfeen in aan madaxweynahooda noqdo. Sidaas darteed meesha maba taal in aan booska madaxweynaha u isticmaalo in aan qoyskayga ku dallacsiiyo oo boosas sare geeyo. Laakiin waxaa weeye in aan darajada madaxweynenimo u isticmaalo in aan dallacsiiyo oo boosas sare gaarsiiyo carruurta dadka kale ee reer Kenya, si ay u helaan fursado lamid ah kuwii aan helay.”
Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh oo asna ka qaybgalay fagaare doodeed bulsho ayaa isla su’aashaas sidan uga jawaabay: “Madaxda waa muwaadiniin, idinkaaba madax ka dhigatay. Ehelkooda iyo qarabadooda iyo ilmahooda iyo qoysaskooduna wa muwadiniin. Aniga inaan Madaxwayne noqday, gabadha aan dhalay iyo wiilka aan dhalay iyo kan ila dhashay iyo kan abtiga u ahay iyo kaan adeerka u ahayba xuquuqdii muwaadin kasta lahaa ayey leeyihiin, ma gafayaan. Aqoontooda in ay meel ku tagaan, haddii ay ganacsanayaan ay ganacsadaan; haddii ay soconayan ay socdaan ay xaq u leeyihiin. Marka waxaan qabaa madaxda … horena waa u dhahay waana ugu celinayaa, yaan laga jixinjixin hebelaa qaraabo la ah iyo hebelaa kan laha.”
Haddaba haddii la isweydiiyo su’aasha, “maxaa uu dal dalka kale uga hormaray?” su’ashaas waxaa asbuuc gudihiis uga jawaabay labada Madaxweyne, oo midi yiri, musuqmaasuqa, qaraabakiilka, eexda iyo ninjeclaysigu waa wax liita oo dib-u-dhac dalka u keenaya, sidaas darteed xafiiska madaxweynaha ma noqon doono meel aan “u isticmaalo in aan qoyskayga ku dallacsiiyo oo boosas sare ku geeyo.”
Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu muujiyey in caddaalad, hormar dal iyo ammaano ummadeed aysan dantiisa ahayn, qaraabakiilka iyo eexduna tahay shaqada xafiiska Madaxweynaha, asaga oo si toos ah ummadda Soomaaliyeed ugu sheegay “yaan laga jixinjixin hebelaa qaraabo la ah iyo hebelaa kan laha.”
Waa niyadjab weyn markii madaxweynuhu ummadda uu hoggaanka u hayo u sheego in aan Xafiiska Madaxweynaha loo sinneyn, loo sinnaan karin, loona sinnaan doonin; sidaas darteedna aan loo jixinjixin sinnaanta iyo caddaaladda baadigoobka loogu jiro. Saas oo ay tahay, haddana in afka Madaxweynaha laga maqlo intaas waxay dhaantaa in laga sugno ammaano iyo caddaalad aan soo socon.
Diiwaanka Daljir | DALJIR SOMALIA
COMMENTS