Afrika oo Tartiib-tartiib uga Siibaneysa Gacanta Gumeysiga reer Galbeedka una sii Dhawaaneysa Reer Bariga Siiba Ruushka

Afrika oo Tartiib-tartiib uga Siibaneysa Gacanta Gumeysiga reer Galbeedka una sii Dhawaaneysa Reer Bariga Siiba Ruushka

Madaxweynaha Guinea-Bissau Umaro Sissoco Embalo ayaa maanta noqday madaxweynihii ugu danbeeyey ee la kulma Madaxweynaha Ruushka Putin. Xiriirka labada dal ayaa ah mid soojireen ah illaa iyo waayihiin Midowga Soofiyeetka laakiin aad u soo xoogeystay tan iyo markii badi waddamada Galbeedka Afrika bilaabeen in ay xiraan dhammaan saldhigyadii Faransiiska iyo waliba qaar kuwa Mareykanka.

Waddamada Galbeedka Afrika ayaa u muuqda in ay galeen waa cusub ayaga oo bilaabay in ay khayraadka dalalkooda ka xoreeyaan wadamadii reer Galbeedka ee hore si bilaash ah u guran jiray.

Dalalka horumarka lixaadka leh ku tallaabsaday tan in markii Faransiiska laga cayrshay waxaa ugu horreeya Mali, Burkina Faso iyo Niger. Saddexdaas dal waxay ka bexeen ururkii ECOWAS oo dhan dhaqaale iyo dhan lacageedba weli laga maamulo Paris iyo Bangiga Dhexe ee Faransiiska, waxayna samaysteen Isbaheysiga Dalalka Saaxil (AES ama Alliance of Sahel States).

> Daljir Media

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com