Agaasimaha NISA oo xil ka qaadis ku sameeyay Taliyihii Nabadsugida Gobolka Banaadir

Agaasimaha NISA oo xil ka qaadis ku sameeyay Taliyihii Nabadsugida Gobolka Banaadir

War goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in xil ka qaadis lagu sameeyay Taliyihii Nabadsugida Gobolka Banaadir Ibrahim Macalin.

Xog hoose oo Radio daljir helay ayaa sheegaya in Taliyaha NISA Fahad Yaasiin uu xil ka qaadis ku sameeyay Taliyaha NISA ee Gobokla Banaadir Ibraahim Macalin, kaasoo xilkan hayay muddo sanad iyo bilo.

Wararka ayaa intaa ku daraya in si KMG ah xilka Taliyaha NISA Gobolka Banaadir loogu magacaabay Sarkaal lagu magacaabo Ciise Maxamed Ciise.

Tan iyo markii uu hoggaanka NISA la wareegay Fahad Yaasiin waxaa socday is bedelo kala duwan oo Hey’adda ah, waxaana dad badan ay shaki gelinayeen qaababka lagu saleeyo is bedeladan iyo qaab dhismeedka guud ee hoggaanka hey’adda.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com