kooxda Al-shabaab ayaa maanta duleedka Degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe waxa ay goob fagaaro ah ay ku toogtoon shan nin oo ay Maxkamada Al-shabaab ku soo eedeesay in ay basaas u ahaa yeen dowladdaha Kenya, Itobiya , iyo Soomaaliya .
Al-shabaab ayaa sheegay in ragan ay qirteen dambigii lagu soo oogay , balse marka laga yimaado sheegashada Al-shabaab mana jirto ilo ka madax banaan Maxkamadooda oo xaqiijin karta in ragan ay qirteen dambigan lagu soo oogay .
Ragan lagu toogtay maanta degmada Saakow ayaa kala ahaa:
1-Cabdiraxmaan Xuseen Max’med
2-Haaruun Cabdi Raxmaan Cumar
3-Caliyoow Jiinoow Nuur
4-Maxamed Yuunus Mad Keer
5-Cabdishakuur Xasan Xuseen.
Toogashada ragan ayaa ku soo beegmaysa xili laba maalin ka hor ay Al-shabaab degmada Jilib ee gobolka Jubada hoose ay ku tooogteen 5 ruux oo lagu eedeyay in ay u basaasayeen sirdoonnada dowladaha Mareykanka iyo Ingiriiska.
COMMENTS