Ururka Al-Shabaab ayaa sheegay inay qarax ku dileen guddoomiye ku xigeenkii Deegaanka Siinka dheer ee duleedka magaalada Muqdisho.
Qaraxa ayaa ahaa mid lagu soo xiray gaari nooca raaxada ah xilli uu marayay waddo ku taalla deegaanka Siinka-dheer.
Warar ay ku qoreen baraha taageera AlShabaab ayaa waxaa ay ku sheegteen in qaraxaas ay ku dileen Guddoomiye ku-xigeenkii Siinka-dheer ee duleedka Magaalada Muqdisho.
Mas’uulka lagu diley qaraxa ayaa magaciisa lagu sheegay Cali Xuseen.
Diiwaanka wararka.
Radio Daljir.
COMMENTS