Taliyaha Ciidamada Booliska ee Lamu Irungu Macharia ayaa sheegay in is rasaaseyn ay dhex martay Ciidamada Booliska iyo kooxdii hubeysneyd ee ka tirsaneyd Al-Shabaab.
Taliyaha ayaa sheegay in kooxdii hubeysneyd ay u carareen dhanka Keymaha oo ah goobaha Al-Shabaabka weerarada ka geysta gobolka xeebta ay ku dhuumaaleystaan.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in weerarkan ujeedkiisa ahaa in lagu qaado xarun Boolis oo ka ag dhowaa wadada uu dayactirka ka socday ee labada gaari lagu gubay.
Labo gaari oo ah Nooca dhismaha Waddooyinka ayaa lagu gubay Deegaanka Milihoy ee ismaamulka Lamu, kadib markii ay weerar ku qaadeen rag katirsan Al-Shabaab sida ay warisay Warbaahinta Gudaha Kenya
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan weerarkan ka dhacay Lamu, waxaana horay u jiray weeraro Al-Shabaab ka geysteen gobolka xeebta.
COMMENTS