Allahayoow Maxaan Geystay! Barmaamijka Murtisoor: Bulxan & Gurxan, W/C Axmed-Assad

Allahayoow Maxaan Geystay! Barmaamijka Murtisoor: Bulxan & Gurxan, W/C Axmed-Assad


Bulxan & Gurxan sidaad la socoteenba doodahoodii hore, waxaynu ku soo aragnay inay yihiin laba nin oo aalaaba aragtiyo kala gedisan leh. Haseyeeshee, marmar iyo dhif naadir ah ayay wax isku raacaan; sida maansadii “Qaad Bi’iye” http://wardheernews.com/Articles_09/Nov/Murti_Soor/29_Qaad_Bi’iye.html.

Haddaba, maanta sidii hore looga bartay iyagu suugaan dareenkooda ku cabiri maayaan. Waxay dhagaha u raaricinayaan qiso naxdin iyo uurku taalo reebtay, oo dhex martay Axmed Maxamed Maxamuud (Axmed-Yare) oo ahaa wiilkii yaraa ee xabadu afka kaga dhacday dagaalladii Muqdisho, iyo hooyadii oo uu Axmed-Yare ?madi? ku ahaa!

Badiyaaba waxaynu arki jiray, markay is mari waayaan Bulxan iyo Gurxan in adeerkood Samatar dhexdhexaadin jiray. Laakiin, maanta xaalku sidaas ma?aha, oo tiiraanyo iyo calwasaad daraadood ayay ilmadu isku mar ka soo hoobatay! Eraygii Samatar ee Murtisoor lagu soo khatimi jirayna wuxuu ku soo afmeermay ?Afkiibaa Juuqda Gabay?!

Allahayoow maxaan gestay
Oon galabsadoon eeday
Rabiyoow maxaan gallay
Toban sano ma gaadhine
Goormaan gabood falay?

Gallab bay ahayd goortu
Gurigaygii way muuqday
Gumac laygu soo tuuray
Afkaygoo dhan kalla gooye
Allahayoow maxaan geystay?

Waayeel ma guul-guulin
Umul gawrac kuma jiidin
Agoon gudimo kuma laynin
Goddobtaan gallee baasi
Een hore u soo gaystay
Gefka layga goynaayo!
Een gallabsadeen eeday
Hooyo galacaloy may sheegi!

*****

Gacalloow Axmedoow hooyo
Guulleed samoow hooyo
Gabankaan dhalloow hooyo
Guullahay dadkuu uumay
Inta dunnida guud saaran
Adaan wiil gardaadsiiyay
Iyo labba gabdhood hooyo!

Gacaloow Axmedoow Hooyo
Goonyaha aduunkoo dhan
Gidigood khalqiga uuman
Addaa hooyo gaar ii ah!
Gunta beerka hoostiisa
Qalbigiyo gadaankiisa
Gacaloow wadnaha hoose
Yay gogol xarriir wayni
Maandhe gurada kuu taale
Adna gacaloow ii aamus!

Guulleed samoow Hooyo
Wali maadan qaan gaadhin
Gaashaana maad qaadin
Dambi godob leh maad gaysan
Gurbood baad ahayd fiican
Gefna maad samayn hooyo!

Gulleed samoow hooyo
Galabtii doraad hooyo
Dugsi quraan gadaashiisa
Adoo gacallow soo dhaafay
Yaasiinka gobol meershay
Ayaa garab wax laga tuuro
Oo gumuc rasaaseed ah
Illaah goor xun kugu beegay
Dambi kalle ma?aad geysan!

Guulleed Samoow Hooyo
Illaah ima gablamin doono
Inshaa Allaahu goortaane
Mar hadii garaadkeedu
Soomaali garan waayay
Gabaxdiyo ilmadan daadan
Gumaadkiyo xasuuq jooji
Waynu ka guuri doonaaye
Hooyo gacaloow ii aamus!

Nasiib daro, Axmed-Yare wuxuu u geeriyooday dhaawacii isagoo qalliin lagu samaynaayo. Axmed hooyadii waxay qaxoonti ku tahay Ceellasha Muqdisho. Caawimada waxaa loogu hagaajin karaa Caabiyo Ciise (612)298-1044, Minneapolis, MN.

W/C. Axmed-Assad
[email protected]

Qormooyinka iyo Maansooyinka Axmed-Assad kala soco facebook

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com