Alshabaab oo dhawr jiho ka wareertay degmada Aadan-yabaal.

Alshabaab oo dhawr jiho ka wareertay degmada Aadan-yabaal.

Dagaal xooggan oo saacado dhawr ah qaatay ayaa ka dhacay degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabeellaha dhexe, kaasoobu dhaxeeyey ciidamada dawladda federaal, kuwa deegaanka iyo Alshabaab oo dhinac ah.

Weerarka ayaa ku bilawday qarax baabuur, iyadoo kadibna uu bilawday wewrar toos, waxaana la xaqiijinayaa illaa 3 jiho Alshabaab in ay weerarka ka soo qaadeen.

Ka sokow dagaalku in uu ka dhacay degmadaasi Aadan-yabaal, haddana bartilmaameedku wuxuu ahaa saldhig ciidamada dawladda iyo kuwa deegaanku ay hakkaasi ku leryihiin, kaasoo ahaa saldhig weyn oo halbawle u ahaa deegaanno dhawr ah .

Ma illaa cadda heer khasaaraha ka dhashay dagaalka oo saacado qaatay, cidda gacan-sarraysay iyo xaalku wuxuu ku dambeeyey hase ahaatee warar hordhaca ah ayaa sheegayey in Alshabaab ay la wareegtay goobo muhiiim, waxaana jira guul sheegasho ay daabacday, inkastoo aysan hadlin saraakiisha dawladda iyo dad ka madaxbanaan labada dhinac toona.

Aadan-yabaal, muddo waxaa ku sugnaa saraakiil sarsare oo xoogga ah, hoggaamiyayaadja ciidamada, iyadoo dhawr jeerna ay tageen madaxda sare ww dawladda federaalka.

Diiwaanka Wararka
Warbaahinta Daljir

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com