Alshabaab oo saaka isaga baxay degmada Jamaame

Alshabaab oo saaka isaga baxay degmada Jamaame

Kooxda Al-shabaab ayaa saaka isga baxday degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose kadib markii ay shalay halkaasi la wareegeen.

Ka bixitaanka Al-Shabaab ee magaalada Jamaame ayaa ka timid kadib markii ay meel ku dhow magaalada una jirta illaa 5km ay ciidamada dowlada tageen.

Taliyaha Guutada 11aad, Qaybta 43aad ee Ciidanka Xoogga dalka G/le Sare Maxamed Badal Xasan oo la hadlay saxaafada ku hadasha afka ciidamada dowladda ayaa sheegay in saacadaha soo socda ay gaari doonaan Jammaame.

Magaalada Jamaame ayaa ka mid ah magaalooyinka ugu waaweyn ee ay hore u haysteen ururka Al-Shabaab ee gobolka Jubbada Hoose.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com