Alshabaab oo Sheegtay Inay La Wareegtey Gacan Ku Haynta Deegaanka Buula-gaduud

Alshabaab oo Sheegtay Inay La Wareegtey Gacan Ku Haynta Deegaanka Buula-gaduud

Wararka ka imaanaya deegaanka Buula-gaduud ee gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in malayshiyaadka Alshabaab ay saaka barqadii gacanta ku dhigeen deegaankaasi.

Malayshiyaadka Alshabaab ayaa lasheegay inay deegaanka ciidankii Jubbaland ee ku sugnaa ay ku qaadeen weerar toos ah iyo qaraxyo dhinac socdey, kahor inta aysan la wareegin gacan ku hayntiisa, sida lagu qoray mareegaha taageera kooxdaasi.

Majiraan ilo madax banaan oo xajiinaya sheegashada Alshabaab, waxaan deegaankaani oo ku dhow magaalada Kismaayo uu muhiimad gaar ah uleeyahay ciidanka AMISOM iyo Jubbaland.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com