Amiirkii dalka Kuweyd oo Maraykanka ku geeriyooday

Amiirkii dalka Kuweyd oo Maraykanka ku geeriyooday

Amiirkii dalka Kuweyd Shiikh Sabaax Al-Axmed Al-Jaberti ayaa goordhweyd ku geeryooday Mareykanka isaga oo 91-jir ah, kaddib 14 sanno uu xukunka hayey.

“Amiirkii Bin’aadannimada iyo Diblumaasiyaddda” ayaa lagu naasaysi jiray siyaasadda kuweyd oo uu dhidibada u taagay iyo ka qayb-qaadashadiisa arrimaha bin’adannimada iyo gacansiinta Carabta iyo Islaamka awgeed.

Amiir Sabaax iyo Soomaalida waxa ka dhexeeya xidhiidh wanaagsan, wuxuuna Soomaaliya ka fuliyey mashaariic horumarineed markii at burburtay dowladdii dhexe.

Jaamacadda Umadda ee Sanaag (Maakhir) iyo dib u dhiska Garoomada Hargeysa, Berbera iyo Garoowe ayaa kamid ah waxyaabaha muuqda Soomaalida uu u qabtay. Alle ha u naxariisto.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com