AMISOM oo Qarax lagula eegtay degmada Marka

Axad, May 17, 2015 (Daljir) — Wararka laga helayo Degmada Marka ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in Qarax Miino lala beegsaday Gaadiid ay wateen Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Qaraxa ayaa ka dhacay Suuqa Dhuxusha ee Degmada Marka,waxaana loo dhigay Gawaarida Qafilan ee Ciidamada AMISOM oo xiligaa meesha marayay. Qof goobjooge ah ayaa warbaahinta u sheegay in Qaraxa uu geystay Khasaaro Xoogan inkastoo aan la ogeyn Tirada Dadka Waxyeelada ay ka soo gaartay.

Ciidamada AMISOM ayaa Rasaas ku Furay Dadkii goobta ka dhawaa,iyadoo ay Dadkii Shacabka ahaa kala Carareen.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com