Wakiilka gaarka ah ee Midwoga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Francisco Caetano Madeira oo warbaahinta kula hadlay Khamiistii shalay magaalada Nairobi ayaa sheegay inay AMISOM u baahanyihiin taageero maaliyadeed si’ay usii wadaan howlgalkooda Soomaaliya.
Wakiilka ayaa sheegay dhaqaalahan inuu muhiim u yahay sii wadida dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab iyo xasilooni soo celinta Soomaaliya oo muhiim u ah Soomaaliya iyo dalalka Bariga Afrika.
Waxaa uu xusay haddii la waayo dhaqaale inay khatar gelin karto guulihii horay ay u sameeyeen ciidamadooda iyo kuwa Soomaaliya.
AMISOM iyo ciidamada Soomaaliya ayuu sheegay inay isku diyaarinayaan dagaal hor leh oo ay la galaan Al-shabaab sanadka 2018ka.
FAALLOOYIN & FALCELIN