Aqoonyahan Cabdullaahi Maxamed Cartan oo ka mid ah dadka sida weyn u falanqeeya siyaasadda caalamka ayaa waxaan la aqbali Karin ku tilmaamay hadalka Guddoomiyaha shirkadda DPW eela xiriira heshiiska Dekadda Berbera. Kaas oo ahaa in DPW ay Somaliland u aqoonsan tahay dal madax bannaan.
Md. Cartan ayaa ku hadalkaas ku tilmaamay mid qayru-mas’uulnimo ah uuna hadalkaasi yahay fikirka dhabta ah ee ay qabto dawladda Imaaraadku. Wuxuuna dawladda Somaliya ku boorriyey inay arrintaas ka bixiso jawaab adag oo u qalanta.
Cabdullaahi Maxamed Cartan oo ku sugan magaalada Bossaso ayaa khadka telefoonka ugu warramay Axmed Sh. Max’ed “Tallman” oo ku sugan Istudiyeheenna Daljir Bossaso
COMMENTS