Xukuumadda Puntland ee uu hoggaayo madaxweyne Siciid Cabdillaahi Deni, bilawgii la wareegiddeeda talo iyo tartankii doorasho ee ka horreeyeyba, waxaa jira qodobo macayin ah oo u meelaysnaa, kuwaasi oo ahaa habka wajidda hormarinta Puntland.
Qodobadaasi waxaa ka mid ahaa midka maalgashiga Puntland iyo bandhiggiisa si ay uga faa’idaystaan fursadaha bannaan maalqabeennada Soomaaliyeed, kuwa caalamka iyo dawladaha daneeya Soomaaliyaba.
Makii ugu horraysay ayay si rasmi ah Puntland u daahfurtay madasha maalgashiga Puntland, waxayna Puntland bandhigtay iliilaha bannaan ee addun dhaqaale oo looga faa’idaysto u baahan, waxaana bandhiggeeda oo shir weyne ahaa daahfuray madaxweynaha Puntland Siciid Cabdillaahi Deni, kaqaybgalkiisana waa ku sugnaa kuxigeenkiis Axmed Cilmi Cismaan, guddoonka Baaralamaanka, madaxda hay’adaha kala duwan ee dawladda, xeeldheerayaal cilmi, khuburo dhaqale, shirkado ganacsi oo iskugu jira kuwo maxalli ah iyo kuwo caalami ah, wax-ku-ool badan oo bulsho iyo wakiillo dawladeed.
Barnaamijka Waxaa soo jeedinaya Wariye Cabdifataax Cumar Geedi,waana Xaqladii 61-aad.
COMMENTS