Inka badan kun iyo afar boqol oo arday ardayda dugsiyada sare fasalka afaraad iyo dugsiga dhexe fasalka shanaad ayaa maanta u farriistay imtixaankii shahaadiga ee wasaaradda waxbarashada ee Dowladda Faderaalka Soomaaliya.
Imtixaankan ayaa horay loogu balanqanaa inuu qabsoomo 19kii bishii May, balse waxaa uu dib u dhacay kadib fatahaaddii wabiga Shabeelle uu ka gaystay magaaladaasi.
Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya ayaa bogaadiyay imtixaankan oo ay wasaaraddiisu qaadayso.
Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cabbdullaahi axmed Maalin ayaa sheegay in ay farxad u tahay ardada reer baladweyne manta madaama imtixaanka horay ugu baaqday ardada laguna dadaalay sidii ardadaasi ay u hele lahaayen imtixaanka.
COMMENTS