Askar ku dhimatay qarax ka dhacay Dhuusamareeb

Askar ku dhimatay qarax ka dhacay Dhuusamareeb

Ciidamo ka tirsan xoogga dalka gaar ahaan qeybta 21-aad ayaa qarax miino maanta lagula begsaday gobolka Galgaduud.

Qaraxa ayaa dhacay xili ay Ciidamadu marayeen agagaarka deegaanka sinna-dhaqo ee Duleedka Dhuusamareeb.

Inta la xaqiijiyay labo Askari oo ka tirsanaa Ciidanka dowladda ayaa ku dhintay qaraxan waxaana sidoo kale jira dhaawacyo lasoo gaarsiyay isbitaalka Magaalada Dhuusamareeb.

Dowladda ilaa iyo haatan kama aysan hadlin qaraxan, basle intabadan qaraxyada noocan oo kale ah ayaa ciidamada lagula beegsadaa marka ay isga kala safrayaan gobolada dalka.
Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada qaraxan.

Diiwaanka wararka.
Radio Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com