Maxkamadda Ciidamada Qalabka sidda ayaa maanta xukun dil ah ku riday Askari dil u gaystay nin Mooto Bajaajle ah oo marayey Iskooska Tarabuunka ee degmada Hodan ee gobolka Banaadir .
Askariga dilka gaystay oo lagu magacaabo Cali Maxamud Axmed oo kamid ah ciidamada Booliska Soomaaliyeed .
Xiligan ay kusoo badanayaan Magaalada Muqdisho dilalka loo gaysanayo dareewalada Mooto Bajaajlayda ah ,8 Bishaan ayey ahayd markii uu dilka u gaystay Marxuum C/risaaq Yuusuf Guure oo waday Mooto Bajaaj.
Maxkamada Ciidamada Qalabka sidda ayaa Go’aankeeda ku sheegtay inuu Racfaan qaadan karo Cali Maxamuud Axmed oo ah Askariga dilka gaystay .
COMMENTS