ATMIS oo ka hadashay Madaafiic lagu weeraray Xerada Xalane

ATMIS oo ka hadashay Madaafiic lagu weeraray Xerada Xalane

Howlgalka Ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS xalay soo saaray War-saxaafadeed uu ku cambaareeyay Madaafiicda shalaySubixii hore lagu weeraray xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.

ATMIS oo aan sheegin khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca weerarka Madaafiicda ah dhaliyay ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay qoysaska, asxaabta, iyo qaraabada dadkii ku dhintay.

Al-Shabaab ayaa sheegatay inay weerarkii Madaafiicda ee shalay subax ay ku qaadeen Xalane ay ku dileen Saddex Ajnabi Caddaan ah oo ka tirsan shaqaalaha UN-ka, halka 3 ka mida ciidamada Uganda, taasoo ana weli la xaqiijin.

Hay’adaha Amniga Dowladda Federaalka ayaa ka gaabsaday weerarkan oo ah mid soo noqnoqda xilli ay Hay’adda NISA shalay ay ka hadashay howlgal lagu lagu dilay 27 xubnood oo Al-Shabaab ka tirsan kaas oo ka dhacay gobolka Sh/Dhexe.

Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika Mohamed El-Amine Souef ayaa qoraalka ATMIS ku sheega inay ka go’an tahay la dagaallanka argagixisada, isla markaana aanay weerarradan u joogsan doonin Hawlaha Xasilinta ee ay ka wadaan Soomaaliya .

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com