Axmed Madoobe oo baaq u diray Dowladda Federaalka & Beesha Caalamka

Axmed Madoobe oo baaq u diray Dowladda Federaalka & Beesha Caalamka

Madaxwaynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo shir guddoomiyey kulanka guddiga ka hortagga COVID-19 ee Jubbaland ayaa warbixin ka dhagaystay guddiga iyo waxyaabihii u qabsoomay guddiga tan iyo intii uu dhisnaa.

Madaxwaynaha ayaa saddex gobood oo cusub sheegay in Dowladdu u asteysay in loo isticmaalo xarumaha karantiilka ah, xarumahaas ayaa waxaa kamid ah xarunta dhalinyarada, xarunta caafimaadka ee Maxfalka iyo xarunta saddexaad oo ah xarunta xannaanada digaaga ee ku taala duleedka magaalada Kismaayo.

Madaxwaynaha ayaa Dowladda federaalka Soomaaliya, shacabka Soomaaliyeed iyo beesha Caalamka ugu baaqay in ay ka qayb qataan taakuleynta iyo u gargaaridda dadka ay saameeyeen daadadka iyo fatahaadaha, waxaana uu intaas ku daray in uu magacaabayo guddi ka shaqayn doona gurmadka iyo taakuleynta dadkaas.

Madaxwaynaha ayaa dhanka kale ammaanay guddigii nabadeynta beelihii walaalaha ahaa ee dhawaan dirirtu ku dhexmartay deegaannada koonfureed ee magaalada Kismaayo waxaana uu faray in howlaha xasilinta la dhameeyo la iskuna keeno salaadiinta iyo nabadoonada beelihii dagaalama

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com