Ayax ku habsaday degaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose

Ayax ku habsaday degaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose

Wararka laga helayo degmada dhoobleey ee gobolka Jubbada hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in saacadihii la soo dhaafay uu Ayax farabadan ku habsaday degaano hoostaga degmadaas.

Ayaxa oo la sheegay in uu u socdo si arxan raxan ah ayaa baabi’iyay dalagyada Beero iyo dhul daaqsimeed ku yaalla duleedka degmada Dhoobleey, isla markaana uu ku faafayo degaano kale.

Mid kamid ah Beeraleyda ku nool degaannada hoostaga degmada Dhoobley ayaa sheegay in Ayaxa uu degaannada Gobolka Jubbada Hoose uga yimid dhinaca Gobolka Shabeellaha Hoose, isla markaana dhibaato xoogan uu ku haayo.

Guddoomiyaha Dhoobley Siyaad Maxamed Xassan oo dhankiisa Warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Ayaxa uu waxyeelo farabadan u geystay dhul daaqsimeed ay xoolaha ku tiirsanaayeen.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com