Muxuu salka ku hayaa damaca Turkida iyo Azarbiijaan ee kala dhantaalka Soomaaliya iyo bad-ku-wareejinta Itoobiya?
TAARIIKH: Xidhiidhka Azarbiijaan & Soomaalida
Labada Shacab ee Azarbiijaan (Azerbaijan) iyo Soomaalida waxaa ka dhaxeeya xidhiidh soojireen ah (Diin, Dhaqan & Dhaqaale), qarniyana ah, waxaana jira dad ka soo jeeda Azarbiijaan (Dadka Azarida ah ee Magaalada Harar) oo Soomaalida u ahaa garab iyo taageero, wakhtiyadii halganka lagula jiray Xabashida (Abyssinia) & Boortuqiiska (Portugal), ee Qarnigii 16aad, Soomaaliduna dajisay Caasimaddii Soomaali (Harar). Dadka Azaridu waxay qayb ka ahaayeen Xoogaggii Khilaafada Muslimiinta ee Turkidu hoggaanka u hayeen. Kadib jabkii Soomaalida (Muslimiinta) ee Qarnigii 16aad, waxaa Azarida dageen u noqday Magaalada Harar waxaana loo bixiyay Magaca “Azari” ayadoo loo nisbaynayo dadka Azarida.
Qarnigii 16aad, waxay Xabashidu (Abyssinia) isu badashay Budhcad-Badeed (Pirates) ayagoo khalkhal galiyay ammaanka iyo safarada xujayda Muslimiinta ee u socday Dhulka Barakaysan ee Makkah & Madiina, iyo Ganacsiga Badda Cas, waxayna dagaal ku qaadeen Soomaalida iyo Yamanta. Xabashida waxaa gacan ku siiyay dagaaladaa Boortuqiiska, waa se lagu jabiyay. Ciidanka Gurmadka ee Boortuqiiska waxaa madax ka ahaa Christopher da Gama, oo uu dhalay Bad-Mareenkii Booqrtuqiiska oo la odhan jiray Vasco da Gama.
Kaddib jabkii Soomaalida (Muslimiinta), waxay Xabashida & Boortuqiisku isku dayeen inay ku duulaan Makkah. Markay marayaan Jiddah ayuu Imaamka Xaramku ku dhawaaqay Difaac Umadeed, waxaana soo birmaday Soomaalida oo halkaa ku jabiyay kuwii soo duulay, waxaana Jiddah ku yaalla Qubuuraha Dadka aan Muslimiinta ahayn oo loo yqaanno “Qubuuraha Boortuqiiska”.
Kahor Qarnigii 16aad, Harar waxay ahayd meel dhaxsin ah oo isku xidha Zaylac & Shawa, waxaa se dhacday in reer geeddi ahaa ay hal geel ah ugu dhashay Harar, sidaana reerkii ku nagaaday, waxayna Soomaalidu dhahdaa “Azari, dhaxsin baa loo dagay” oo ka dhigan “Azari, ma ahayn Magaalo e reerka ayaa wakhti kooban ku nagaaday, sidaa ayayna ku magaalowday, markii dambana waxayba noqotay Caasimadda Ummadda Soomaaliyeed illaa 1960.
Sannadkii 1993 wuxuu ahaa qorshaha Baarlamaanka Deegaanka Soomaalidu inay Harar xarun u noqoto Deegaanka, waxayse ka diiday nidaamkii TPLF .
Dadka Azarida ah & Soomaalida
Dadka Azarida ee Harar waxay Soomaalida wadaagaan waxyaabo badan, waxaana kamid ah Diinta, Guurka iyo Dhaqanka, waxayna Azaridu ahayd hormuudka Soomaalida oo marwalba Soomaalida ku caawin jiray garab iyo taageero, iyo waliba aqoon. Waxaa nasiib darro ah in markii danbe Azaridu noqdeen kuwo ay ku shaqaysato Kooxdii TPLF ee Itoobiya xukuntay 27 sano ee la soo dhaafay. TPLF waxay u dhiibtay Azarida Xafiisyada Dhaqaalaha iyo Qorshaynta, Maalgashiga, Caddaaladda (Maxkamadda Sare), Tirakoobka & Doorashooyinka waxayna gaadheen inay sheegtaan inay yihiin Xabashi (Tigray), Soomaalidu se way ogtahay taariikhooda wanaagsan iyo halkay ka soo jeedaan. Dr Cabdulaahi Xasan, Saamiyah Zakariya Guutu iyo Kamaal Badri waxay madax ka ahaayeen Xafiisyada Caddaaladda (Maxkamadda Sare), Tirakoobka & Doorashooyinka ee Itoobiya, waxayna si cad ula dagaalameen Soomaalida iyo Muslimiinta dalka.
Xurgufta Eritrea, Ethiopia & Azarbiijaan
07/11/2024, waxay Dowladda Aratariya (Eritrea) qabatay 3 Markab oo laga leeyahay Azarbiijaan, laguna sheegay inay si khalad ah (hawadda oo xumayd awgeed) ku soo galay Biyaha Aratariya. Aratariya waxay diidday inay sii dayso Maraakiibtaa & 24 Qof oo la socday (Caucasus watch 15 Jan 2025). Waxaa Jira xogo sheegaya inay Maraakiibtu ay Shixnado Hub ah u sidday Itoobiya (Ethiopia). 11/02/2025, waxay Dowladda Azarbiijaan sheegtay inay xidhiidh joogta ah la leedahay Naakhuudayaasha Maraakiibtaa & inay dhammaan dadka la haysto Caafimaad qabaan (Trend News Agency, 11 Feb 2025). 15/01/2025, Wafdi uu hogaaminayay Kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Azarbiijaan (Yalchin Rafiyev) ayuu Wada-Hadallo ku dhexmaray Madaxda Itoobiya Ardisababa. Labada dhinacba waxay sheegeen inay Is-Afgarad wada gaadheen. Siday qortay Wakaaladda Wararka ee Itoobiya (ENA) waxay labada wadan ku heshiiyeen inay xoojiyaan arrimaha iskaashiga, oo ay ku jiraan Beeraha, Macdanta, ICT, Warshadaha, iyo dhaqaalaha cagaaran (Green Economy).
Gunaanad & Talo-bixin
Azarbiijaan iyo Turkiya waa sida Djibouti iyo Soomaaliya (92% Dadka Azarbiijaan waa Azari, Turki ah asalkoodu), waxayna qayb ka tahay Shirkadaha Turkida ee ku howlan baadhitaanada Shidaalka ee Xeebaha Soomaaliya. Azarbiijaan waxay kamid tahay Wadamada oo aan Badda lahayn (Landlocked Countries), waxayna quud-darraynaysaa natiijada ka soo baxda dadaalka Turkiya ee ku aaddan rabitaanka Itoobiya ee ah inay hesho bad iyo dhul Soomaaliyeed.
Azarbiijaan waxay leedahay 70 Markab oo xamuulka lagu qaado, waxayna isticmaashaa Dekedaha Ruushka, Iiraan, Turkmenistan & Kazakhstan, (Marine insight, 4 Oct 2022), wax dhibaata ahna kuma qabto isticmaalka Dekedahaa, khatarna kuma aha wadamadaa, waxaana haga Shuruucda UNCLOS .
Labadii sano waxay Madaxda iyo Warbaahinta Itoobiya ku celcelinayeen, fagaaroyaal kala duwanna ka sheegeen, inay inay Itoobiya Deked Badda Cas ah iyo marin (dhul ay ayada leedahay) ku hantiyayso si xoog ama gorgortan ama wadahadal (BBC, 8 Nov 2023).
Haddaba waxaa hubaal ah inay Itoobiya u adeegsanayso Turkida (Turkey & Azerbaijan) siday u gaadhi lahayd danaheeda gaarka ah (inay hesho Bad & Dhul Soomaaliyeed).
Febraayo iyo December 2024 wuxuu Abiye Axmad u sheegay Xubnaha Xisbigiisa & kuwo ka agdhowba inay Turkidu yihiin Saaxiib qaali ah, wuxuuna tilmaamay inay Turkiya tahay “Badbaadiyaha Itoobiya, laba jeerba, dagaalka Tigreega ( Bayraktar TB2) & helitaanka Badda Soomaaliya”.
Waxgaradka Soomaalidu waa in uu aad isha ugu hayaa waxyaabaha ka socda Gobolka Geeska Afrika (the Somali Peninsula Region), waxaana muhiim ah in Madaxda Soomaalida (gaar ahaan Soomaaliya) aad uga fiirsadaan heshiisyada ay galayaan iyo hadalada ay ku hadlayaan iyo waliba qoraaladooda.
WQ: Ahmed Roble
DHAMMAAD
…
Annex 1: Landlocked Countries
Total: 44 Countries
South America: 2 Landlocked Countries (Bolivia & Paraguay)
Asia: 15 Landlocked Countries (Afghanistan, Azerbaijan, Kazakhstan, Uzbekistan, Laos, Armenia, Kyrgyzstan, Tajikistan, Turkmenistan, Artsakh*, Mongolia, Bhutan,Nepal, South Ossetia*, & West Bank *(Palestine)
Europe: 16 Landlocked Countries Europe (Austria, Serbia, Hungary, Slovakia, Switzerland, Belarus, North Macedonia, Czech Republic, Kosovo*, Luxembourg, Moldova, Liechtenstein, Transnistria*, Andorra San Marino, & Vatican City
Africa: 16 Landlocked Countries( Zambia, Mali, Niger, Ethiopia
South Sudan, Central African Republic, Chad, Burkina Faso, Uganda, Rwanda, Zimbabwe, Botswana, Burundi, Malawi, Eswatini, & Lesotho
* Partially recognized states or states with limited recognition
COMMENTS