BAAD MISE MAALGASHI: MAXAAD KALA SOCOTAA LACAGTA CADDAANKA AH EE MAREYKANKU KA DALBADAY JAPAN & KOONFURTA KUURIYA IN AY MIISKA SOO SAARAAN AMA BIXIYAAN CANSHUURO DHEERAAD AH?
Qarni kahor ama waayihii horeba gumaystuhu waxba kama dalban jirin dalalka uu gumeysto oo inta soo duulo buu wuxuu rabo qaadan jiray, suu rabana dadka ka yeeli jiray. Qarniyo kabacdi waxaa bilowday wax loogu yeeray ‘xorriyad,’ taas oo macnaheedu noqday in dadkii la gumeysan jiray madax looga dhigo madax u adeegta ama fulisa qorshaha gumeystaha. Meel fog ha fiirin oo daalaco Afrika oo dhan aan ka ahayn saddexda dal ee hadda si toos isaga xorreeyey gumeystihii reer Galbeedka ee kala ah Burkina Faso, Mali iyo Niger. Ama xataa fiiri Soomaaliya, si kore iyo si hoosaba, madaxdu weli waa kuwo u adeega qorshaha silloon ee gumeystaha (arag maqaalkii Daljir iyo sida Soomaaliya oo hadda ah xubin Golaha Ammaanka ay u oggolaaday in Iran cunoqabateyn la saaro).
Gumeystuhu Afrika kaliya ma joogo, kuwa u adeegaana Afrikaan iyo Carab kaliya ma aha. Aasiyana waa joogay, haddana warkiisa waaba caddeeyey.
Aan maanta idin la qaybsano waxa kala haysta Mareykanka, Japan iyo Koonfurta Kuuriya. Mareykanka oo hore u burburiyey dhuumihii shidaalka Ruushka ee si raqiis ah uu ugu dhisnaa dhaqaalaha Jarmalku, kuna khasbay in Jarmalku uu shidaalka ka gato Mareykanka, waxa uu haatan albaabka ku garaacay Japan iyo Koonfurta Kuuriya.
Mareykanku wuxuu Japan iyo Koonfur Kuuriya ka dalbaday in mid walbaa lacag caddaan ah oo xad dhaaf ah miiska soo saaro, si Mareykanka oo dhaqaalihiisii aad u liicay loogu toosiyo. Japan wuxuu ka dalbaday $550 bilyan, Koonfurta Kuuriyana $350 bilyan.
Japan oo hore Mareykanku ugu riday nukliyeerkii ugu horreeyey adduunka waxay oggolaatay in ay bixiso $550 bilyan oo USD ama sida Trump sheegay ah ‘maalgalin.’ Heshiiska Japan wuxuu dhigaya in Japan ay lacagta wareejiso 45 maalmood gudahood, Mareykankuna u dooran doono habka maalgashiga. Faa’iidada ka soo baxda maalgashigana, waaba hadduu faa’iido yeesho e, 90% waxaa iska leh Mareykanka, Japan ayana waxay yeelanaysaa 10%.
Japan way oggolaatay, wayna saxiixday heshiiska maalwareejinta.
Waxaa kuu soo haray Koonfur Kuuriya. Mareykanka wuxuu ka dalbaday $350 bilyan oo maalgelin degdeg ah, haddii ay keeni waydana Trump wuxuu sheegay in uu canshuuro dheeraad ah saari doono oo suuqa Mareykanka ka xiri doono Koonfurta Kuuriya.
Lacagta Marykanku ka dalbaday Koonfurta Kuuriya way ka badantahay dhammaan maalgelinta Koonfur Kuuriya ee adduunka oo dhan 5tii sano ee la soo dhaafay. Si uu Trump awoodiisa u muujiyana wuxuu isla markii ay Kuuriya wax yar oo walaac ah muujisay dalkiisa ka masaafuriyey in ka badan 300 oo shaqaale Kuuriyaan ah oo ka shaqeynayey warshado ay hore Kuuriya uga maalgashatay Mareykanka.
Kuuriya oo xisaabisay in maalwareejinta Mareykanku aysan wax faa’iido ah u soo wadin, waxay hadda wada xaajood la waddaa Shiinaha, waxaana indhaha loo taagayaa warka ka soo baxa wada xaajoodkaas.
Adduunku wuxuu galay waji cusub oo aan gabasho lahayn, Soomaaliyana waxay kow ka tahay liiska dalalka aan xataa lahayn qof miiska u soo fariista oo dadkiisa iyo dalkiisa matala. Sida go’aankii shalay ee Golaha Ammaanka, Soomaaliya go’aanka ay gaarayso waa mid loo yeeriyo ee ma aha mid lagala tashado. Saas oo ay tahay, Soomaaliya dalal ka liita oo caadi Faransiisku u gumeysan jiray, sida Burkina Faso, baa maanta yiri ‘maya,’ kana tashaday aayahooda. Soomaalidu sida reer Burkina Faso, Mali iyo Niger ma awoodaan in ay aayahooda ka tashadaan, mise waa ummad aan tashan karin oo u baahan in loo taliyo.
Nala qaybso fiiradaada iyo falceliskaagaba.
> Daljir Media


COMMENTS