Baaq Degdeg ah Dallada Ururrada Bulshada Rayidka ah ee Puntland PUNSAA

Baaq Degdeg ah Dallada Ururrada Bulshada Rayidka ah ee Puntland PUNSAA

Dallada Ururrada Bulshada Rayidka ah ee Puntland PUNSAA waxay aad uga xuntahay muuqaallada dhaawacaya sharafta, Dawladnimada iyo Midnimada Puntland ee kasoo muuqanaya magaalada Garoowe iyo dhiillada ay magaaladu ku waabariisatay.

PUNSAA waxay ugu baaqaysaa Waxgaradka, Goloaha dhaqanka iyo dhamaan shacbi weynaha Puntland inay iska kaashadaan doorinta xaaladda nabad galyo darrada ah ee ka aloosan caasimada Puntland ee Garoowe.

Waxaan marnaba la aqbali karin in khilaafka siyaasiga ah lagu xalliyo qori caaradiis. PUNSAA waxay ku baaqaysaa in lagu xalliyo khilaafka wadahal iyo isafgarad iyadoo loo turayo bulshada rayidka ah lana dhowrayo midnimada iyo wadajirka dadka reer Puntland.

Sidoo kale, Bulshada rayidka ah waxay ka digaysaa in Hay’adaha Dowladda, kuwa aan Dowliga aheyn iyo xarumaha ganacsiga ah ay si nabad galyo ah u gudan-waayaan waajibaadkooda ayna adkaato isu socodka iyo nolosho dadweynaha.

Ugu dambayntii, PUNSAA waxay dhamaan bulshada qaybaheeda kala duwan ugu baaqaysaa inay ka qayb qaataan xal u helida khilaafka siyaasiga ah iyo Amniba

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com