Inkabadan 90 xildhibaan oo kamdi ah xildhibaanada baarlamaanka Hir-shabeelle ayaa lagu dhaariyay maanta xarunta baarlamaanka Hirshabelle ee magaalada Jowhar.
Intii ay xaflada socotay waxaa hareeyay muran ku saabsan xildhibaano loo diiday inay ka qeybgalaan kadib markii ciidamada ammaanka ay ka qaadeen warqadii aqoonsiga ee ay guddiga farsamada siiyeen.
Xildhibaanadan ayaa waxaa guddoomiye ku meelgaar ah loo doortay xildhibaan Maxamuud Siyaad Barqadle oo ah xildhibaanka ugu da’ada weyn ee ku jira golaha Baarlamaanka.
Xildhibaanada cusub ee la dhaariyay ayaa badankood waxa ay yihiin kuwo dhalinyaro ah kuna cusub siyaasadda iyadoo aan la ogeyn waxa ay ka bedeli karaan siyaasadda Hirshabelle.
Diiwaanka wararka.
Radio Daljir.com.
COMMENTS