Baarlamaanka oo maanta ansixiyay sharici muhiim ah

Baarlamaanka oo maanta ansixiyay sharici muhiim ah

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo kulan uga socda Magaalada Muqdisho ayaa ansixiyay Heshiiska Damaanad qaadka maalgashiga darafyada Badan.

Kulanka ayaa waxaa Shir Guddoominaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo ku-xigeenadiisa iyo inta badan Xildhibaanada Golaha Shacabka.

139 Xildhibaan ayaa ogolaatay in ansixiyo Heshiiska Damaanad qaadka maalgashiga darafyada Badan, 1 Mudane ayaa diiday, halka 2 Xildhibaan ay aamustay, waxaana Guddoonka Golaha Shacabka uu shaaciyay inuu Heshiiska Ansax yahay.

Sidoo kale Xildhibaanda Golaha Shacabka ayaa Akhrinta 3aad marsiinaya wax ka badelka Sharciga Duulista Rayidka ee Hawada.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com