Baarlamaanka Puntland oo Ansixiyay Hindise-Xeereedka Diiwaan-gelinta Cod-bixiyaha (Sawirro)

Baarlamaanka Puntland oo Ansixiyay  Hindise-Xeereedka Diiwaan-gelinta Cod-bixiyaha  (Sawirro)

Garoowe, February 04, 2021: Fadhiga 26-aad, Kalfadhiga 47-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo uu shir-Guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril oo ay wehliyaan ku xigeenka 1aad Hon. Abdiaziz Abdullahi Osman , ku xigeenka 2aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta maalintii 2aad looga dooday Hindise-Xeereedka Diiwaan-gelinta Cod-bixiyaha.

Fadhiga maanta oo ay joogeen 42 mudane, ayey Xildhibaannada Golaha Wakiillada DPL qodob-qodob uga doodeen Xeerka oo lagu daray wax-ka-bedelka Guddiga, Wax-ka-bedelka Golaha iyo sidii hore ee lagu soo gudbiyey hindise-Xeereedka sida uu qabo Qodobka 70-aad Dastuurka Dawladda Puntland.

Hindise-Xeereedka Diiwaan-gelinta Cod-bixiyaha ayaa si faah-faahsan uga hadlaya dadka xaqa u leh is diiwaan-gelinta, habka diiwaan-gelinta, hir-gelinta wacyi-gelinta diiwaanka cod-bixinta, waxa uuna ka kooban yahay 36 Qodob.

Ugu dambeyntii Xildhibaanada Golaha Wakiilada ayaa cod u qaaday Hindise-Xeereedka Diiwaan-gelinta Cod-bixiyaha waxaana u codeyay Ogol 40 Xildhibaan, Diidmo 2, Aamus 0 Mudane.

Sawirro.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com