Golaha baarlamaanka ee Soomaaliya ayaa maanta ka doodaya ansixinta miisaaniyadda 2018 ee dowladda faderaalka Soomaaliya, miisaaniyadda oo ay soo gudbisay wasaaradda maaliyadda ayaa dhan 274 milyan oo doolar, halka ay miisaaniyaddii sanadkii hore ay ahayd 14-milyan doolar.
Kulanka ayaa waxaa shir guddoomin doona guddoomiyaha baarlamaanka ee Soomaaliya, iyadoona goob joog uu ka noqon doono wasiirka maaliyadda ee Soomaaliya.
Miisaaniyadda sanadkan ayaa lagu soo daray adeegyada bulshada, waxabrashada, masraxa qaranka iyo kuwa u badan howlaha amniga ee dowladda.
COMMENTS