Magaalada Badhan ee gobolka Sanaag ayaa waxaa laga soo sheegeyaa khasaare gaadhaya barakac ilaa 160 qoys kadib markii roobab laxaadle oo halkaasi ka da”ay ay sababeen in Togaga hareeraha ka Marra magaaladda ay ku soo fatahaan.
Waxaa ku guryo beelay fatahaadaas qoysaas gaaraya 160 qoys sida ay Radio Daljir u shegeen dadka degaanka.
Duqa Degmadda Badhan ee Gobalka Sanaag Axmed Maxamuud Timir oo Waraysi siyeey Radio Daljir ayaa ka hadlay khasaaraha ka dhashay Fatahadaas.
COMMENTS