Bannaanbax lagu taageerayo Ciidanka Itoobiya oo ka dhacay Degmada Xudur

Bannaanbax lagu taageerayo Ciidanka Itoobiya oo ka dhacay Degmada Xudur

Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Bakool iyo kan degmada Xudur ee dowlad Goboleedka koonfur Galbeed iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Magaalada Xudur oo banaanbax taageero ah u muujiyey Ciidamada Itoobiya ee degmada Xudur ka difaaca Al-Shabaab.

Boqolaal kamid ah Shacabka degmada Xudur ayaa isugu soo baxay Garoonka Kubadda Cagta ee degmada Xudur, iyaga oo watay boorar ay ku qoran yihiin (ITOOBIYA SOO DHAWOOW MASAR MA RABNO).

Maamulka Gobolka Bakool iyo Bulshada ka qeyb gashay bannaanbaxa ayaa siwadajir ah waxa ay uga soo horjeesteen Ciidamada ka socda Masar oo la doonaayo in la keeno Soomaaliya, isla markaana ay qeyb ka noqdaan howlgalka cusub ee 2025 ka billaabanaya dalka Soomaaliya.

Waxaa ay sheegeen in Ciidamada Masar ay yihiin kuwo lagu doonayo in lagu carqaladeeyo Amniga guud ahaan Gobolka, markalena lagu dhibaateeyo Bulshada maskaaiinta ah ee mudada dheer ay dhibaateeyeen Cadowga Al-Shabaab.

Waxa ay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ugu baaqeen inay ka waantoowdo dhibaatada ay markasta la dooneyso Shacabka Soomaaliyeed, waxaana Bulshada Goob fagaaro ah kula hadlay Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Bakool iyo kan degmada Xudur.

Bannaanbaxaan lagu taageerayo Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Gobolka Bakool loogana soo horjeedo Ciidamada Masar ayaa kusoo aadayaa xilli la qorsheynayo in dalka Soomaaliya la keeno Ciidamo ka socda dowladda Masar si loo dhaqan geliyo heshiiskii Ami ay wada galeen dowladaha Soomaaliya iyo Masar

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com