Isniin, Luuliyo 13, 2015 (Daljir) — Baarlamaanka Dowladda Puntland ayaa maanta meelmariyey qoondada qaaraanka dhismaha wada Ceeldaahir Ceerigaabo taasoo ay horay u soo ansixiyeen Guddiga Joogtaha ah ee Gollaha Wakiilada Puntland.
Qaaaraanka qoondada ayaa kolkii hore ay xukuumadu u soo gudbisyey guddiaga joogatda ah qaaraankaan ayaa waxaa uu yahay mid laga qaadi doono shaqalaha , isgaarisiinta telphnada la isticmaalo, gaadiidka waaweyn iyo kuwa yar yar.
Baarlamnaka ayaa su,aalo iska waydiieyey cida dhaqalaahan balaaran loo diibaayao oo lagu aamini karo ugu dambeyntiina waxaa y isku raacreen in la Ansixiyo waxaana gudoomiyaha baarlamanku uu ku dhawaaqay Natiijada codka , waxaana codeeyey 47 mudane tiradaan oo aheyd tirada saaka soo xaadirtay kal-fadhiga Gollaha Wakiilada Puntland.
dhanka kale baarlamanaka ayaa Maanta Dhaariyey xildhibaan C/rasaaQ Xaaji Xuseen oo bedeley Maarxuum Aadan Xaaji Xuseeen oo gacan ka xaq darani ay ku dishey Maagalada Muqdisho iyadoo dowlada federaalka aanay weli gacanta ku soo dhigin cidii faalkaas ka dambeysay.
By; Ab
COMMENTS