Barlamaanka Puntland oo maanta dooranaya xubnaha aqalka sare.

Garoowe, Oct 20 2016–Magaalada Garoowe ee caasimadda dowladda Puntland ayaa maanta waxaa kadhacaysa doorashada xubnaha aqalka sare ee barlamaanka Soomaaliya kasoo gelaya deegaamada Puntland.

Doorashada oo mudo lasugayey waxaa ka qaybgeli doona ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo kamid ah musharixiinta aqalka sare.

Maanta gelinka dambe ayaa lagu wadaa in guud ahaan doorashada lasoo gabagabeeyo iyadoona ay xubnaha kala saari doonaan mudanayaasha barlamaanka Puntland.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com