Barlamaanka Somaaliya oo Ansixiyeey Misaaniyada Sanadka 2018 (Sawiro)

Barlamaanka Somaaliya oo Ansixiyeey Misaaniyada Sanadka 2018 (Sawiro)

Xildhibaannada Golaha shacabka Soomaaliya ayaa maanta meel mariyay Miisaaniyadda Dowladda ee 2018ka,taas oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Maaliyadda islamarkaana soo dhaaftay Golaha Wasiirrada Soomaaliya.

Kulanka Xarunta Golaha Shacabka oo ay soo xaadireen Xildhibaano gaaraya 164 Xildhibaan, ayaa lagu ansixiyay miisaaniyadda Dowladda.
Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka C/wali Sheekh Axmed Muudeey oo Shir Gudoomiyay kulanka ayaa ku dhawaaqay natiijada codeynta.

164 Xildhibaan oo fadhiday madasha ayaa 162 ka mid ah u codeeyeen Miisaaniyadda inay ansax tahay, halka Xildhibaan uu diiday, mid kalena uu ka aamusay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com