Barnaamijka Tartan Aqooneedka Warbaahinta Daljir ee Tartan iyo Tacliin

Barnaamijka Tartan Aqooneedka Warbaahinta Daljir ee Tartan iyo Tacliin

Barnaamijka Tartan Aqooneedka Warbaahinta Daljir ee Tartan iyo Tacliin oo ka socda xarunta dhexe ee Daljir Garoowe, ayaa caawa galay habeenkii 12’aad ee intii uu socdey Barnaamijku oo kujira wareega 1’aad, Faysal Abshir Dhegaweel oo ka socda waaxda suuqgeynta iyo xiriirka Dadweynaha ee Shirkadda Golis gobolka Nugaal, ayaa caawa kormeer ugu yimi bahda Barnaamijka Tartan iyo Tacliin.

Golis Telecom, waa hogaanka maalgeliyayaasha Barnaamijka, iyadoo bixinaysa Abaalmarinaha guulaystayaasha, waxaana maalgelinta Barnaamijka ku weheliya Salaam Bank, iyo Wasaarada Waxbarashada Puntland, sidoo kale taageerada dhaqaale ee Barnaamijka waxaa sanadka qayb muhiim ah ka ah Hay’ada PMWDO.

Daladda Waxbarashadda ee PEN, Warbaahinta Daljir iyo Guddiga ayaa kaalin weyn ku leh sidoo kale Barnaamijkan.

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com