Degmada Taleex ee gobolka Sool waxaa maanta lagu soo afjaray colaad mudo 7 sano jirsatay oo udhexaysay laba beelood oo halkaasi wada dagan.
Xalinta khilaafka labadan beelood ayaa dhowr jeer oo hore lagu guul daraystay , balse waxaa maanta soo afjaray wadfi uu hogaaminayay Boqor Burhaan Boqor Muuse .
Qadkii cagarnaa ee labada dhinac udhexeeyay ayaa la qaaday , waxayna labada beelood iyo Isimaduba socod lug ah ku mareen deegaanadii lagu dagaalamay.
Hadaba sidii lagu xaliyay colaadaasi iyo heshiskii lakala saxiixday , waxaan ka waraysanay Sheekh Fu,aad Xaaji oo kamid ahaa wafdigii culimada ahaa ee ka qayb qaatay xalinta colaada .
Wariye Xasan Heykal ayuu uwaramay .
COMMENTS