Beeraleeyda qaadka ee dalka Kenya oo walaac ka muujiyey go’aanka Soomaaliya.

Nairobi, Sep 06 2016–Beeraleeyda qaadka dalka Kenya ayaa waxa lasoo sheegayaa inay ka walaacsan yihiin tallaabadii xukuumadda Soomaaliya kuhakisay duulimaadyadii qaadka keeni jirey Soomaaliya.

Qaar kamid ah ganacsatada qaadka beera ee dalka Kenya ayaa warbaahinat dalkaasi u sheegay in go’aanka xukuumadda Soomaaliya uu niyad jab ku noqday dadka qaadka ka ganacsada.

Beeraleeydaani ayaa waxa ay sheegeen in ay beereen Qaad aad u farabadan oo loogu talagalay in loo dhaafiyo Soomaaliya , waxayna ka walaacsan yihiin halka loo dhoofin doono wax soo saarkaasi.

Go’aankii ay shalay ku dhawaaqday dowladda federalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa kahoryimid Puntland iyo Soomaaliland oo si yaabo kala duduwan u sheegay inuusan go’aankaasi u qusayn.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com