Kulankan ay Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare BFS iyo Guddiga Hinddise Sharciyeedka Doorashooshinka Qaranka u xilsaaray Aqalka Sare ayaa kulan Wadajir ah waxa ay la yeesheen safiirada beesha caalamka u fadhiya Soomaaliya ,
Kulanka ayaa intiisa badan waxaa looga hadlay Doorashada 2020-2021 la filayo in ay qabsoonto qaabka ay u dhacayso , Ansixinta Hindise sharciyeedka Doorashooshinka Qaranka oo haatan horyaala Golaha Aqalka sare , in loo baahan yahay dib u heshiisiin si Dadka Soomaaliyeed oo mid ah ay u dareeraan doorasho.
Dhinaca kale Guddiga Hinddise Sharciyeedka Doorashooshinka Qaranka u xilsaaray Golaha Aqalka Sare ayaa kulan la qaatay guddiga doorashooyinka Qaranka ,Goobta kulanka ka dhacayay ayaa qodob qodob loo dul istaagay Hinddise sharciyeedka Doorashooshinka qaranka ,
Kulanka markuu soo gaba gaboobay ayaa Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil (Xaliima Yarey) waxa ay sheegtay in Guddiga ay sharaxeen qodobada hinddise sharciyeedka , 2021 loo balansan yahay in dalka ay ka dhacdo doorasho ,
Sen, Maxamed amiin Sheeq Cusmaan guddoomiyaha Guddiga Hinddise sharciyeedka Doorashooshinka Qaranka u xilsaaray Golaha Aqalka Sare ayaa sheegay in ay wadaan latashiyo iyo xog uruurin dhanka hindise sharciyeedka doorashooyinka sanad ka dib lagu wado in ay dalka ka dhacaan
COMMENTS