Dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah ee bahwadaagta la ah dalka Soomaaliya sida AMISOM, Denmark, Egypt, Ethiopia, European Union, Finland, France, Germany,IGAD, Italy,OIC, Sweden, Turkey, Uganda, UNSOM iyo Maraykanka ayaa soo dhoweeyay heshiiskii ay madaxda dalalka Soomaaliya iyo Kenya ku gaareen caasimada dalka Kenya ee Nairobi.
Bayaan ay si wadajir ah u soo saareen beesha caalamka ayaa lagu sheegay in heshiiskii 14kii bishan ay ku gaareen magaalada Nairobi Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru uu ahaa tallaabo qiime leh oo lagu xoojinayo xiriirka wanaagsan ee u dhexeeya labada dal.
“Waxaan ammaaneynaa dadaalada shaqsi ee ay geliyeen labada hogaamiye sidii loo horumarin lahaa xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Waxaan hoosta ka xariiqeynaa in heshiiska labada wadan uu yahay mid u horseedaya horumar shacabka labada dal,uuna saameyn xoog leh ku yeelanayo horumarka guud ee Geeska Afrika,”ayaa lagu yiri bayaanka.
Beesha Caalamka ayaa rajo weyn ka muujisay in la hirgelin doono qodobada ay ku heshiiyeen labada madaxweyne kuwaasoo sii xoojinaya xiriirka labada dal.
COMMENTS
KKKKKK.
WAR WAX BEEL CAALAM LA DHAHO MA JIRTO LKN NA DHEH (KUWA ISU CIMAAMADAY MAGACA BEESHA CAALANMKA..).,
WAXAA HUBAALA IN KUWA SHEEGTA MAGACA BEESHA CAALAMKU YIHIIN KUWII BURBURIYEY DAWLADNIMADII SOMALIYA HADERNA FANGAREEYA ISIS,ALSHABAB.IWM.
NO MORE INTERNATIONAL COM..,…..TY