Guddoomiyaha Deegaanka Unuun ee degmadda Qandalla ee gobolka Bari Cawil shirre Kaatun ayaa sheegay in Biyo la’aan dari ay ka jirto deegaanka taasi oo saamayn lixaadle ku yeelatay dadka .
Dadka deegaankaasi ayaa biyaha ka doonta ceelasha Ceel gaa oo 30 km u jira iyo Ceelka taageer 125 Km u jira ayay maalin kasta dadku biyaha u doontaa waxaana baabuurta biyaha uga soo qaada ay ka qaadaan 30 Dollar .
Dhanka kale waxaa deegaankaasi ka dillaacay xannuun jadeecada oo dad badan soo ritay .
COMMENTS