Boko Xaram oo Weerar Ka Fulisey Gudaha Nigeria

Boko Xaram oo Weerar Ka Fulisey Gudaha Nigeria

Shan xubnood oo ka mid ah kooxdii waqooyi bari Nigeria ka baaraysay shidaalka ay ee Talaadadii weerarka gaadmada ah ku soo qaadeen koox hubeysan oo looga shakisan yahay Boko Xaram ayaa la xaqiijiyey dilay.

Waxay ka mid noqdeen dad ka badan 40 qof ay guud ahaan halkaasi ku dhintay, intooda bandanna waxay ahaayeen askar iyo mutadawiciin ka tirsan koox rayid ah oo iskeed isku abaabushay oo ka shaqeysa ammaanka.

kolonyo si weyn loo ilaalinayay oo ay la socdeen dadka lalaayey ayaa wadada loo galay xilli ay dib ugu soo laabanayeen magaalada Maiduguri.

Milateriga Nigeria ayaa horey ugu andacooday in dhammaan cilmi-baarayaashii la soo badbaadiyay balse haatan Jaamacaddii ay ka tirsanaayeen ayaa sheegaysa in shan ka mid ah kooxdaasi ay dhinteen halka dhowr kalana weli la la’yahay, kuwaasoo laga cabsi iney dhinteen ama ay u gacan galeen kooxda Boko haram.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com