Booliiska Soomaaliya oo soo bandhigay Rag dhac ka gaysan jiray Muqdisho

Booliiska Soomaaliya oo soo bandhigay Rag dhac ka gaysan jiray Muqdisho

Ciidamada booliska degmada Kaaran oo kaashanaya Maamulka degmada ayaa howlgal amniga lagu xajiininayay waxaa ay ka sameeyeen Xaafadaha ay ka kooban tahay waaxda jamhuuriya ee degmadaasi Kaaraan.

Maamulka degmadu waxa ay sheegen inay kusoo qabteenb howlgalkan Burcad Hubeysan oo dhac u geysanaayen Bulshada Degmada kaaraan Iyo Gabar Cunug kasoo xaday Magalada Jowhar.

Ragga burcadda ah ayaa watay Mooto Bajaaj iyo qoray AK47 ah, waxaana dadka Shacabka ah ay ka dhacayeen Mobeelada, taas oo keentay inay cabasho u gudbiyaan Maamulka degmada.

War kasoo baxay Maamulka degmada Kaaraan ayaa waxaa loogu baaqay Bulshada ku nool degmadaas inay la Shaqeeyaan Ciidamada Ammaanka si loo sugo Amnigooda.

Degmada Kaaraan ayaa waxa ay kamid tahay degmooyinka Gobolka Banaadir oo maalmihii la soo dhaafay kajirtay cabasho la xiriira Kooxo Burcad ah dadka Shacabka ah dhac u geysanaya.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com