Booliska Gobolka Banaadir oo toogasho kudilay Xubin katirsan Al-Shabaab

Booliska Gobolka Banaadir oo toogasho kudilay Xubin katirsan Al-Shabaab

Taliska Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Ciidamadooda oo howlgallo Roondo ah ka wada Xaafado katirsan degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir ay toogasho kudileen Xubin katirsan Ururka Al-Shabaab oo doonayay in uu Ciidamada weeraro.

War kasoo baxay Booliska Gobolka Banaadir ayaa lagu xusay in Ciidamada si kedis ah ula kulmeen Xubno katirsan Al-Shabaab oo weerar u qorsheynayay Ciidamada howlgalka kujiray, waxaana wararka Risaala heshay ay sheegayaan in falka toogashada ah uu ka dhacay agagaarka Baar Jowhar ee Xaafada Suuqa Xoolaha.

” Abaaro 8:00 fiidnimo Ciidanka Boliiska oo roondo ku maraya xaafadaha degmada Heliwaa ayaa toogasho ku dilay mid kamid ah dhagarqabayaasha Al-Shabaab, kadib markii ay si kadis ah ula kulmeen maleeshiyaad hubaysan oo gaadmo ku hayay ciidanka roondada ayaa lagu yiri” Warka kasoo baxay Booliska.

Xaafadaha degmooyinka Hiliwaa iyo Yaaqshiid oo kamid ah xaafadaha ugu Amniga xun Magaalada Muqdisho ayaa waxaa inta badan ka dhaca weeraro ay Al-Shabaab xilliyada habeenkii ku qaadaan fariisimaha Ciidamada dowladda Soomaaliya.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com