Booliska Jarmalka oo fashilay weerar la qorsheeyay

Booliska Jarmalka oo fashilay weerar la qorsheeyay

Booliiska Jarmalka ayaa xiray Koox la sheegay inay qorsheeynayay in ay weeraraan masjid ku yaala dalkaasi, kaddib markii ay booliisku heleen xog ku aaddan falkaasi.

Mintidiinta la xiray oo ka kooban 12 qofood ayaa la sheegay in ay ka tirsan yihiin koox lagu magacaabo Der harte Kern, oo ka soo horjeedda islaamka iyo dadka magangalyo doonka ah ee jooga dalkaasi.

Siidoo kale Booliisku waxa ay baadi goob ugu jiraan xubno kale oo ka tirsan xagjiriintan kuwaasoo qeyb ka ahaa qorshaha weerarka masjidka iyo sidoo kale dadka magan galyo doonka ah.

Dalka Jarmalka waxaa ku sugan kooxaha cansuriyiinta midigta fog, oo abaabula weerarro ka dhan ah dadka Muslimiinta ah oo ay ku jiraan dadka magangelyo doonka ah.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com