Boosaaso: Guddiga Tartan iyo Tacliin oo booqday Iskuulladda Boosaaso (Sawiro)

Boosaaso: Guddiga Tartan iyo Tacliin oo booqday Iskuulladda Boosaaso (Sawiro)

Boosaaso: Masuuliyiinta Dalladda Waxbarashada Ahliga ah ee Puntland (PEN) oo uu hogaaminayo Agaasimaha Dalladda mudane Maxamed Axmed Faarax uuna wheliyo Guddoomiyaha Guddiga maamulka Barnaamijka Tartan iyo Tacliin, mudane Maxamed Faarax Ciise (Gaashaan) iyo wafti ay hogaaminayaan ayaa maanta kormeeray Iskuulladda sare ee kuyaala magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Kormeerkan waxaa qayb ka ahaa Xoghayaha Dalladda Pen Maxamed Cali Maxamed, Agaasimaha Waxbarashada ee Mu’asasada Al-Minhaaj mudane Sh Cismaan Maxamuud Xaaji iyo masuuliyiin ka socdey warbaahinta Daljir.

Waftigan ayaa booqday Iskuullada kala ah, Sh Xamdaan Secondary School, Boosaaso Public Seocondary School (BPSS), Dugsiga Sare ee Minaaratu Baydaa, Dugsiga Sare ee Saalaxu Diin Al-Ayuubi Boosaaso, Dugsiga Sare ee Sayid Maxamed Cabdile Xasan iyo Dugsiga Sare ee Iimaamu Shaafici.

Ujeeddada booqashadan ay masuuliyiinta kala duwan ku tageen qaar kamid ah goobaha waxbarashada ayaa ahayd sidii loo dardar gelin lahaa Barnaamijka Tartan iyo Tacliin oo sanad walba bisha barakaysan ee Ramadaan ay ku tartamaan Iskuullada Sare ee ku yaala Puntland.

Maamulka iyo macallimiinta goobihii waxbarasho ee waftigu tageen ayaa si wanaagsan usoo dhoweeyey waftiga booqday, waxayna balan qaadeen in sanadka ay siweyn uga qaybgeli doonaan Tartanka oo ah kan ugu xiisaha badan oo ay baahiso warbaahin Soomaaliyeed.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com